DAAWO PUNTLAND oo dallacsiisay sarkaal sheegay inuu qabo cudurka HIV/AIDS

1807

Digreeto ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash ahna kusimaha madaxweynaha ayaa Gaashaanle loogu dalacsiiyey Bashiir Cismaan Cawad oo horey u ahaa Kabtan.

Bashiir oo ah Taliyaha kantaroolka Galbeed ee magaalada Garowe ayaa dhiirigaliya dadka la nool cudurka HIV/AIDS oo bulshada dhexdeeda badanaa kala kulma takoor.

“Waxaan maqli jirey berigii hore dadka oo faquuqa qofka qaba Qaaxada, beryo kadib waxaa cadaatay inaanu waxba ahayn, HIV-guna waa sidaas. Waxaan idiin sheegaynaa in qofka faquuqsameeya inaan u aqoonsandoono inuu yahay Dambiile go’aanna waan kasoo saaraynaa ka dowlad ahaan. Waxaan farayaa Hay’adda PAC inay caawiyaan qofkasta oo aan awoodin daawada inuu qaato, waxaan dhowaan soo saaraynaa xeerka lagu dhiqidoona xanuunkan. Waxaan faraya cid kasta oo shaqo kuleh inay ka shaqeeyaan xuquuqda dadka qaba xanuunka.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Wareegtada ayaa u qroneyd.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Markuu arkay:- Dastuurka D Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey

Waxaa Dhamme Bashiir Cismaan Cawed loo dalacsiiyey derajada Gaashaanle

Dhamme Bashiir Cismaan Cawed ayaa sidoo kale ah Taliyaha Saldhigga Galbeed ee Garoowe, waxaana cudurka HIV/AIDS ku riday xaaskiisa.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha uu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweyne Ku-xigeenku.

Dalacsiinta sarkaalkan ayaa ku soo beegantay maanta oo dunida looga aqoonsaday maalinta cudurka dilaaga ah ee AIDSka. Gaashaanle Bashiir Cawad ayaa ah Taliyaha Saldhigga Galbeed ee Garoowe.