DAAWO Xildhibaano ku Baaqay in ciidanka dalka Kenya laga saaro Soomaliya

1550

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyey heshiiskii Baydhabo oo guddiga Kheyraadka Golaha maanta ay hor keeneen, Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ansixiyey Heshiiska Caalamiga ah ee Dadka Naafada ah kaasi oo Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Shacabka uu Baarlamaanka hor keenay, Waxaana sidoo kale Xildhibaano ay si adag uga hadleen Dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan Shirkaddaha dalka.

Xildhibaan Axmed Macalim FIQI ayaa sheegay in Ciidamada Kenya dhibaato kala duwan ku hayaan Hantida Ummadda Soomaaliyeed, Islamarkaana ay ku Xadgudbeen Madaxbanaanida

“Baarlamaanku waa inuu Dhaleecayn kasoo saaro, Falka Khaldan ee Xuduudka ay dhibaatada ugu Gaysteen, Iyo in Mag dhow laga raadiyo dhibaatada ay u gaysteen 11-Goobood, Lana waydiiyo Sababta ay Shirkadaha Soomaaliyeed Hantidooda ku Burburiyeen.

“Waa arin Xad gudub ku ah Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee Ganacsanaya, Iyadoo loo danaynayo Shirkad laga leeyahay Kenya, Islamarkaana Arintaana loo Curyaaminayo”.

Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ee ay ka tisan yihiin ay tahay in lagula Xisaabtamo dhibaatada ay gaysteen Ciidamada Kenya.