Dhirbaaxo: Tammy Abraham Oo Uu Dhaawac Halis Ah Soo Gaadhay

1679

Weeraryahanka qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Tammy Abraham ayaa laga dhex qaaday garoonka qaybtii hore ee kulanka Valencia kadib dhaawac halis ah oo soo gaadhay.

Xiddiga ayaa ka baxay ciyaarta isaga oo oohin is qaban waayay kadib markii uu si xun dhulka ugu dhacay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee qaybtii hore taas oo keentay in sariirta dhaawac looga qaado garoonka.

Tammy Abraham ayaa dhaawacmay kadib markii ay si xun isugu dheceen daafaca kooxda Valencia ee Ezequiel Garay.

Da,yarka ayaa dhulka yaalay muddo dheer isaga oo la siinayay daawayn ka hor inta aan lagu qaadin sariirta dhaawaca.

Sawiro baraha bulshada laga helay ayaa muujiyay in xiddiga dusha laga saaray Buste ka hor intii aan garoonka looga saarin sariirta dhaawaca.

Abaraham ayaa gacanta ku hayay qaybta dhexe ee jidhkiisa laakiin ilaa haatan ma kala cada sida uu xiddigu u dhaawacmay.