
Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa sheegay in ay uu xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah u qalmo in uu ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or-ka.
Majalada France Footballa ayaa soo saartay Liiska xiddigaha 30-ka ah ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or-ka.
Waxa Liverpool kaga jira 7 xiddig kuwaas oo kala ah Mohamed Salah, Virgil Van Dijk, Sadio Mane, Roberto Firmino, Georginio Wijnaldum Iyo Trent Alexander-Arnold.
Markii Hazard wax laga waydiiyay abaalmarinta ayuu yidhi”Waxa aan jeclaan lahaa in aan siiyo Mohamed Salah”.
“Mane iyo Van Dijk sidoo kale way u qalmaan in ay ku guulaystaan abaalmarinta Laakiin waxa aan doonayaa in uu Mohamed Salah ku guulaysto sababta oo ah waxa uu u ciyaaray si fiican sanadkan”.