Everton Iyo Liverpool Oo isku garab Dhac+SAWIRRO

403

Ka dib ciyaar xaraarad yeelatay qeybta labaad , goolhayayaashana doorkooda ay ciyaareen waxa ay Liverpool iyo Everton ku hishiiyeen bar bar dhac bilaa goolal

Sheekada qeybta hore : Everton iyo Liverpool ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli Liverpool dhamaadkii laba fursad ay u diiday birta halka Everton-na ay sidaas oo kale ku dhacday hal jeer

Guud ahaan qeybtaas hore waa laga fiicnaa Liverpool marka laga yimaado labadaas fursad is xigay waxaana lagu dilay cadaadis iyo deg degsiimo.

Everton waxa ay ku wacnaayeen difaaca iyo rogaal celiska ha halka Liverpool ka sheegteen dabacsanaan qadka dhexe ah  xilli Salah guud ahaan la go`doomiyay waana adkeyd in kubadda ay gaarto laacibkaas .

Soo laabashadii , Liverpool waxa ay soo giliyeen Firminho oo loo saaray Carvalho oo dhaawacmay , waxa ayna biloowga sameyeen isku dayo ay ku sigeen shabaqa Everton

Biloowga qeybta labaad , Everon kuma muuqan qaabkii hore balse guud ahaan waa ay  foojignaayeen inkastoo Liverpool u muuqdeen kuwo hurdada ka soo kacay waxa ayna daqiiqadii 58-aad soo giliyeen Milner iyo Robertson oo loo saaray Arnlond iyo Tismiskas.

Daqiiqasii 63-aad iyo 64-aad  goolhayaha Everton ayaa goolal xaqiiq ahaa u diiday Liverpool kuwaasi oo cadaadis saaray Everton halka Everton ku tiirsanaayene rogaal celiska waxaana daqiiqadii 65-aad laga bad bad baaidyay gool xaqiiq ahaa .

Labada koox gool laga filan karay , Everton gool ay dhaliyeenna waxaa daqiiqadii 69-aa diiday aaladda VAR , balse guud ahaan ciyaarta xaraarad ayay yeelatay .

Qeybta labaad m ciyaar deg degsiimo legh ayay ciyaareen waa ayna u furned kabada koox xilli ka filan karay goolal

Si kastaba wax aay ciyaarta ku dhamaatay bar bar dhac bilaa goolal ah oo ay ku hishiyeen Everton iyo Liverpool,waxa ayna Everton ahaayeen kuwo ka wacan kooxda Klpp