Falanqayn: LIX Dhibaato Oo Uu Wajayo Tababaraha Cusub Ee Arsenal Ee Shaqada Ka Badali Doona Unai Emery

1816

Kooxda Arsenal ayaa bilowday raadinta tababare cusub kadib markii ay shaqada ka caydhiyeen Unai Emery kaas oo isaga tagay kooxda jimcihii shalay kadib 18 bilood oo uu hogaaminayay kooxda.

Freddie Ljungberg ah Halyeeyga kooxda ahaana caawiyaha tababare Unai Emery ayaa si ku meel gaadh ah loogu dhiibay shaqada tababaranimo ee kooxda kaas oo hogaamin doona kulamada soo socda.

Arsenal ayaa lala xidhiidhinayaa tababarayaal badan oo ay ka mid yihiin Brendan Rodger,Mauricio Pochettino, Nuno Espirito Santo, Massimiliano Allegri & Carlo Ancelotti kuwaas oo ay u doonayaan in ay shaqada ka badalaan tababare Emery.

Hadaba waxa aan Falanqayntan ku soo bandhigi doonaa 6 dhibaato oo u wajihi doono tababare kasta oo badala Emery oo uu ku jiro tababaraha haatan ee ku meel gaadhka ah.

1.Difaaca:

Cidna kama qarsoona dhibaatada daafaca ee ay kooxda Arsenal ku jirto haatan iyada oo si weyn u dhibaatoota marka ay wajahdo koox waeerar fiican leh.

Arsenal ayaa u baahan daafaca adag oo kooxda ka caawiya in ay ka soo kabsato qaab ciyaareedka liita ee dhanka daafaca taas oo keentay in ay kooxdu shabaqeeda ilaashan waydo kulamo badan.

2.Doorashada Kabtanka:

Doorashadii Unai Emery ee kabtanka ayaan guul ahayn iyada oo ay kooxdu lahayd 5 kabtan oo uu doortay tababaruhu laakiin Gunners ayay soo mareen kabtano taariikhi ah waxana uu tababaraha cusub ee Arsenal wajihi doonaa dhibaato adag in uu doorto kabtanka hogaamin doona kooxda

Arsenal ayay joogaan xiddigo badan oo khibrad leh waliba magac weyn leh sida Xhaka, Ozil, Aubameyang Iyo Luis sidaas darteed tababaraha cusub ee qabta shaqada Arsenal ayaa u baahan doona in uu doorto kabtanka 1-aad ee kooxda.

3.Dhibaatada Ozil:

Xiddiga khadka dhexe ee Ozil ayaan qancin tabaabre Unai Emery iyada oo uu xiddiga reer Germany haatan yahay xiddiga sida weyn uga faa,iidaya shaqo ka caydhinta tababare Emery.

Ozil oo ah xiddiga ugu mushaharka badna kooxda ayaan ka mid ahayn qorshaha tababarihii hore ee Arsenal waxana uu doonayay in uu iska iibiyo kooxda.

Laakiin tababaraha cusub ee la wareega kooxda ayay tahay in uu go,aan ka gaadho mustaqbalka xiddiga oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay.

4.Xaalada Xhaka:

Xhaka ayaa sacab ka helay taageerayaasha Kooxda kulankii Europa League kadib markii uu ku soo laabtay shaxda kooxda muddo 31 maalmood ah kadib markii uu sameeyay dhacdadii qabsatay adduunka ee uu Aflagaadeeyay taageerayaasha Arsenal kadib kulankii Crystal Palace.

Laakiin tababaraha shaqada ka badali doona Emery ayay u badan tahay in uu ka gaadho go,aan kama dambays ah kaas oo miyuu iibinayaa mise xiddiga waxa uu ka qayb dhigi doonaa qorshihiisa.

5.Mustaqbalka Nicolas Pepe:

Wakhtigii Unai Emery Nicolas Pepe ayaa si weyn ugu dhibaatooday qaab ciyaareedka isaga oo xitaa kulamadii ugu dambeeyay iska waayay shaxda kooxda Arsenal.

Arsenal ayaa Pepe ka soo bixisay lacag dhan 72 milyan oo euro si uu xiddigu u caawiyo kooxda laakiin Xiddiga ugu qaalisan taariikhda Arsenal ayaa ku dhibaatooday Gunners.

Tababaraha Badalay ayaa dhankiisa laga sugayaa go,aan muhiim ah oo uu meel ku saari doono mustaqbalka xiddiga reer Ivory Coast.

6.Soo Celinta Kalsoonida Taageerayaasha:

Jawiga garoonka Emirates ayaa noqday mid aad u xun iyada oo ay taageerayaasha kooxdu ka niyad jabeen qaab ciyaareedka kooxda iyaga oo aan kalsooni ku haysan kooxdooda wakhti xaadirkan.

Laakiin tababaraha cusub ee la wareega kooxda ayaa wajahaya shaqo adag oo uu dib u soo celinayo kalsoonidii ay taageeryaasha kooxdu ku qabeen kooxda.

Sii Akhriso: Daraasad Lagu Ogaaday Wado La Yaab Leh Oo Dheeraysa Cimriga Dadka Is Jecel