Farmaajo iyo Uhuru oo ku kulmaya Kampala

1886

Madaxtooyada Uganda ayaa qaban qaabineysa kulan fool ka fool ah oo ay isugu imanayaan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo u dhexeeya xiisad diblumaasiyadeed oo ka dhalatay shirkii Shidaalka Soomaaliya ee magaalada London.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada dalka Uganda oo qariyay magaciisa ayaa u sheegay wargeyska KML in Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay ku wada hadalsiinayaan magaalada Caasimada u ah ee Kampala.

Farmaajo iyo Uhuru ayaa 12-ka bishan kaga qeyb galaya magaalada Kampala shir cusub oo loogu magac daray shirka Afrikada hadda (Africa Now Conference.), waxaana shirkaas barbar socda kulan gaar ah oo labada Hoggaamiye yeelan doonaan.

Awel Uwihanganye oo ah Agaasimaha Hay’adda Istiraatiijiyadda iyo Hoggaaminta Afrika oo shirkan qaban qaabisay ayaa xaqiijiyay in Farmaajo iyo Uhuru ka qeyb galayaan shirkaasi oo soconaya inta u dhexeysa 12-ka ilaa 13-ka Bishan Maarso.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta uu wax ka wado Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, si loo xaliyo xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa meeshii ugu xumeyd gaaray 16-kii bishii hore, kaddib Kenya ay u yeeratay Safiirkeedii u joogay Soomaaliya, isla markaana ku amartay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Nairobi inuu dalkiisa ku laabto, waxaana hakad ku yimid xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal, iyadoo ku hanjabtay dowladda Kenya inay cunaqabateyn ku soo rogeyso Soomaaliya.

Kenya ayaa ku andacooneysa inay Soomaaliya xaraashtay dhul badeedka xuduudeeda, hase ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay sheegashada Kenya, war saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhulka labada dal ay ku muransan yihiin ay dacwadeeda taallo Maxkamadda Hague, ayna ka war sugeyso go’aanka Maxkamadda.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN