Turkiga oo la saftay Farmajo taageerayna gudiga doorashada

1250

Midowga musharixiinta mucaaradka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay kulan Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya uu ka qaatay Guddoomiyaha Guddiyada lagu muaran yahay ee doorashooyinka heer Federaalka.

War qoraal ah oo ka soo baxay miwoga musharixiinta ayaa waxaa lagu sheegay inay ka xun yihiin taageerada iyo boggaadinta Turkiga u muujiyay Guddiga doorashada ay magacaawday Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo siweyn uga soo horjeedan Musharaxiinta.

Musharaxiinta ayaa ugu baaqay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya inuu dhex dhexaad ka noqdo arrimaha la xiriira doorashada Soomaaliya, isla markaana masaafo simman u jirsado Madaxweyne Maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo Musharaxiinta kale.

Ugu dambayntiina bayaanka ka soo baxay miwga musharixiinta madaxtinimada Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa waxaa loogu mahadceliyay taageerada joogtada ee dowladda Turkiga la garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed.

AKHRISO