Firminho Oo Waqtigii Geerida Guul Qaali Ah Ku Hogaamiyay Liverpool , Crystal Palace Ayay Ka Soo Talaabsadeen .

1848

Crystal Palace iyo Liverpool ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah , waxa uuna kulankaan ka tirsanaa waeegga 13-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Labada koox ayaa soo bandhigay hanaan ciyaareed isu dheeli tiran balse ma jirrin halis gilin muuqata oo ay isku sameeyeen ka hor goolkaas

Crystal Palace ayaa ciyaareysay kubad kalsooni ay ka muuqato , waxa ayna cadaadis saarayeen ciyaartooyda Liveporool mar waliba oo ay kubadda haystaan .

Liverpool inkastoo kubad wacan ay dhisayeen hadana waa ay adlkeyd in si muuqata horay ugu jiidaan waxaana u sabab ahaa Crystal Palace oo garoonka meel waliba ka taagneyd .

Kubadda Crystal Palace ayaa ka socotay garbaha , waxa ayna mararka qaar tagayeen goosha Liveprool balse goolhaye Allison ayaa foojignaa .

Arinta ay sida weyn ugu wacnaayeen Crystal Palace ee ay Liverpool ugu diideen in ay shabaqooda soo gaaraan ayaa ha raacasho aan kala joogsi laheyn oo isku xernaan weyn ayay muujiyeen .

Crystal Palace , dhamaadkii waa ay weerar tageen waxa ayna keeneen gool ka yimid dhanka koornada balse waa la diiday goolkaas sabab la xariir qalad ka horeeyay , waxa ayna aheyn daqiiqadii 42-aad

Soo laabashadii , Liverpool dar dar ayay ku soo galeen waa ayna sigeen shabaqa Crystal Palace illaa ugu dambeyn kubad dhexda laga soo jiiday uu gool u turjumay Saido Mane daqiiqadii 49-aad.

Kooxda Crystal Palace niyad jab kama qaadin goolkaas isku dayo ayay sameynayeen waxa ayna daqiiqaddii 52-aad gool cajiib ah noqon lahaa banaanka uga saaray goolhaye Allison ka dib kubad laad aheyd oo banaanka laga soo toogtay .

Crystal Palace waxa ay ciyaaryeen kubad deg desgiimo leh waliba laadad dhaadheer ayay ku bartilmaameysnayeen goosha Liverpool xilli Liverpool ahaayeen kuwo ku tiirsan kubadaha rogaal celiska ah balse guud aaan waa la filan karay goolal.

Firminho oo qeybtii hore maqane jooge ahaa ayaa qeybtii labaad soo baraarugay , waxa uuna Klopp daqiiqaddii 64-aad uu soo giliyay Divock Origi oo loo badalay Alex Oxlade-Chamberlain .

Liverpool waxaa fursado xaqiiq ahaa ka qasaariyay Firminho waxa ayna dhamaadkii ciyaarta aheyd mid deg degsiimo leh waxa ayna Place dagaal ugu jireen goolka bar bardhaca iyaga oo bartilmaameedsanayay goosha Allison

Crystal Palace waa diidanayeen in ay is dhiibeen , kalsooni ayay muujiyeen waxa ayan Liveprool ku dhisayeen kuabdo cajiib ahaa oo mudnaa in gool loo turjumay , waxa ayan Liveprool daqiiqadii 78-aad badaleen Henderson iydoo la soo giliyay Milner .

Crystal Palace dadaalkii ay sameynayeen waxa ay ku keeneen goolka bar bar dhaca oo cajiib ah waxaana si qurux badan u toogtay Zaha daqiiqadii 82-aad.

Dabaal deggii Palace ma sii jirrin daqiiqado badan , waxa ayna Liverpool keeneen gool labaad ka dib kubad koorno aheyd kuna laa-labatay goosha Crystal Palace waxaana shabaqa dhigay Firminho daqiiqaddii 85-aad.

Ka dib goolkaas , Liverpool waxa ay badaleen Firminho iyaga oo soo giliyay Gomez , waxa ayns labada koox dhamaadkii sameeyeen isku dayo kala duwan xilli Zaha gool xcaqiiq ahaa uu ka qasaariyay kooxdiisa daqiiqadihii dheeriga ciyaarta , balse guud ahaan ciyaarta waxa ay ku dhamaatay 2/1 oo ay guusha ku raacday Liverpool oo hogaanka horyaalka haysa .