Garoonka Banaadir loogu magac daray Marxuum Eng. Yariisow+SAWIRRO

1823

Garoonka Kubadda Cagta Ex Koonis ee degmada C/casiis waxaa lagu qabtay isu soo bax weyn oo loogu duceynayay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqii magaalada Muqdisho marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow).

Madasha munaasbada Ducada waxaa ku sugnaa madaxweynaha dalka, Ra’iisul Wasaarihiisa, Guddoomiyaha Aqalka Sare, mas’uuliyiinta gobolka, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakil Ciidan iyo Shacab badan oo laga kala keenay degmooyinka gobolka Banaadir.

Maxamed C/raxmaan Cumar Yariisoow oo ah Wiilka uu dhalay Duqii geeriyooday ee magaalada Muqdisho ayaa u mahad celiyay dhamaan madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee ducada la garab taagnaa marxuumka tan iyo markii uu dhaawacmay, xilligii geeridiisa la soo sheegay ilaa markii la aasay kadib oo maanta isu soo baxa ducada loogu sameeyay.

Ra’iisul Wasaarae Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay ducadii marxuum Yariisoow, waxa uu ku sifeeyay Duqii Muqdisho mid waqtigiisa ugu badan galiyay sidii uu qarankiisa ugu adeegi lahaa, wuxuuna goobta ka sheegay dardaarankiisii ahaa in Alle looga Mahad Celiyo in wadanka uu hormar ku tallaabsanayo.

Mr Kheyre waxa uu shaqaalaha gobolka faray iney laba laabaan shaqadooda, si ay ula mid noqdaan marxuumka geeriyooday oo ahaa qof dadaal iyo samir badan, sida uu yiri.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa isaguna codkiisa ku biiriyay ducada Guddoomiyihii gobolka Banaadir, wuxuuna sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajjeeyay xubnaha kale ee weerarkaas ku dhaawacantay ee dalka Qatar lagu dabiibayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo oo munaasbaada Ducada eheyd soo xiray ayaa sheegay in marxuum Yariisoow uu ahaa qof Qarankiisa u shaqeeya, balse ay jiraan dad Qaranka ka shaqeysta, isgaoo carabka ku dhuftay in marxuum Yariisoow u adeegida bulshada soo bilaabay isagoo xil weyn heyn.

Waxa uu balan qaaday iney la soconayaan nolosha dhamaan qoysaskii ay ka tageen xubnihii ku geeriyooday ismiidaamintii ka dhacday aqalka dowladda Hoose, geesinimo iyo dhiiranaan laga qaadi doono weerarkaas.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in garoonka Banaadir Stadium loogu magac daray Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow), sababtaasna ay tahay maadaama uu naftiisa u huray Qarankiisa.

Weerarka lagu dilay Yariisoow waxaa sidoo kale ku naf waayay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka C/casiis, Shingaani iyo Waaberi, Agaasimihii Nadaafadda Gobolka Banadir, C/fitaax Cumar Xalane, Agaasimihi Shaqada iyo Shaqaalaha, C/llaahi Dheere, Abuukaate Xasan Maxamed Sabriye oo ahaa La-taliyihii Yariisoow, Agaasimihii Qorsheynta Deegaanka Dowladda Hoose, Injineer Shuuriye iyo Maxamed Cabdalla Caaqil oo ahaa Agaasimaha xafiiska xoghayaha guud ee gobolka Banaadir.

Wasaarada Amniga Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe laba todobaad kadib natiija horudhac ah ka soo saartay weerarka Aqalka dowladda Hoose, waxeyna sheegtay in qaraxaasi ay fulisay haweeney lagu magacaabo Basiiro Cabdi Maxamed oo araga naafo ka aheyd, taasoo isku qarxisay xafiiskii uu shirka ka socday, iyadoo la xiray dad tuhumo uu soo galay.