Cali Marguus oo la dilay

1721

Kooxo hubeysan ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxa ay ku dileen Allaha u naxariistee ganacsade Cali Aadan Marguus oo ahaa siyaasi hore oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

Marxuumka aya lagu dilay Beer uu ku lahaa halka loo yaqaano Maanya-fuulka oo u dhow magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah, wxaana lagu dhex dilay beertiisa.

Marguus oo ahaan jiray siyaasi aad looga yaqaan deegaanada Koonfur Galbeed, ayaa sanadihii dambe isaga ka fariistay siyaasadda, wuxuuna noqday ganacsade ka shaqeysta magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya dilkiisa ayaa sheegaya inuu salka ku hayo muran ka dhashay arrimo la xariira dhul la isku haysto. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in raggii ka dambeeyey dhacdadaasi ay goobta ka baxsadeen.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan dilkaasi.

Cali Aadan Marguus waxaa uu ahaa dhowaanahan ahaa ganacsade iyo oday dhaqameed dadka reer Baydhabo ay si weyn ugu jeclaayeen Baraarujinta Waxsoorka beeraha Sanadyadii ugu dambeysay.