Guddiga doorashada oo bilaabay diiwaangelinta axsaabta iyo ururrada siyaasada.

7

 

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Soomaaliya ayaa maanta bilaabay diiwaangelinta axsaabta iyo ururrada siyaasadeed, iyadoo dalka uu galay marxalad cusub oo diyaar-garow loogu jiro doorashooyinka federaalka ee 2027.

Diiwaangelinta ayaa socon doonta ilaa 22-ka Nofeembar, waxaana Guddigu ugu baaqay ururrada siyaasadeed iyo cid kasta oo danaynaysa ka qaybgalka doorashooyinka inay ka faa’iidaystaan muddada loo qabtay.

Sida jadwalka doorashada uu guddigu hore u shaaciyay, doorashada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka waxaa loo qorsheeyay 15-ka Abriil 2027, halka doorashada Madaxweynaha lagu wado inay dhacdo 15-ka May. Hannaanka la qorsheeyay ayaa ah qof iyo cod.

Guddigu wuxuu sidoo kale qorsheeyay in liisaska musharraxiinta baarlamaanka la soo gudbiyo ugu dambayn 22-ka Nofeembar 2026, halka ololaha doorashada baarlamaanka uu bilaaban doono 27-ka Febraayo 2027.

 

Hase yeeshee, tallaabooyinkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo weli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, kuwaas oo qaba in marka hore laga gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo ku saabsan hannaanka doorashada iyo arrimaha dastuurka.

Mucaaradka ayaa sidoo kale su’aal ka keenay jadwalka doorashada oo ay sheegeen inaan lagu salayn heshiis ay wada gaareen dhinacyada siyaasadda. Dowladda federaalka ayaa dhankeeda ku adkeysanaysa in dalka loo gudbiyo doorasho qof iyo cod ah, iyadoo sheegtay in wada-hadallada siyaasadeed ay weli furan yihiin.

 

Learn more
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 26-kii Oktoobar ku casuumay dhinacyada mucaaradka iyo qaar ka mid ah ururrada bulshada rayidka ah shir wadatashi oo Muqdisho lagu qabanayo 14 ilaa 18-ka Nofeembar, kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashada iyo sidii loo gaari lahaa isfaham siyaasadeed.

Sidaas darteed, diiwaangelinta axsaabta ayaa bilaabanaysa iyadoo guddigu sii wado jadwalkiisa doorashada, halka dhinacyada siyaasadda ay weli isku khilaafsan yihiin qaabka iyo heshiiska lagu wajahayo doorashooyinka 2027.