Siciid Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu is-casilo+ VIDEO

7

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa baaq culus u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo kula taliyay inuu xilka iska casilo, si dalka loogu helo hannaan ku-meel-gaar ah oo diiradda saara qabashada doorasho heshiis lagu yahay iyo sugidda amniga.

Deni oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Puntland ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku guuldarreystay inuu mideeyo dadka Soomaaliyeed, ilaaliyo wadajirka dalka, isla markaana abuuro jawi siyaasadeed oo ay dhinacyada kala duwan isku waafaqsan yihiin.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in iscasilaadda Xasan Sheekh ay noqon karto waddo lagu yareeyo khilaafka siyaasadeed ee dalka ka taagan, laguna abuuro fursad loo helo gole ku-meel-gaar ah oo qabanqaabiya doorashooyin heshiis lagu yahay, kana shaqeeya arrimaha amniga.

“Waxaan kula talin lahaa Xasan Sheekh, isaga oo dadka, dalka iyo tiisaba u turayo in uu is casilo, si loo helo Gole Ku-meelgaar ah oo ka shaqeeya doorashooyinka iyo ammaanka,” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Baaqan ayaa imanaya xilli khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland uu muddo dheer soo jiitamayay, isla markaana uu saameyn ku yeeshay wada-shaqeyntii siyaasadeed ee labada dhinac iyo dadaalladii lagu doonayay in lagu gaaro heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka, dastuurka iyo awood-qaybsiga dowladda.

Hadalka Madaxweyne Deni wuxuu xambaarsan yahay dhaleeceyn toos ah oo ku wajahan hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh, gaar ahaan sida uu u maareeyay khilaafaadka siyaasadeed ee dalka iyo xiriirka uu la leeyahay maamullada dowlad-goboleedyada.

Deni ayaa ku eedeeyay madaxweynaha inuu ku fashilmay isku haynta dadka iyo dalka, taas oo uu u arko mid ka mid ah waajibaadka ugu waaweyn ee hoggaamiyaha qaranka. Waxa kale oo uu dhaliilay habka loo wajahayo doorashooyinka, isaga oo ku adkeystay in dalka loo baahan yahay hannaan ay dhinacyada siyaasadeed iyo maamuladu heshiis ku yihiin.