Xaaladda amni ee gobolka Hiiraan ayaa isbedel ku yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Macawiisleyda ay ka soo baxeen qaar ka mid ah furimaha dagaalka, iyadoo tiro badan oo ka mid ah ciidamadan ay gaareen magaalada Beledweyne.
Wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya in Macawiisleydu ay banneeyeen qaar ka mid ah difaacyadii ay ku sugnaayeen deegaanada ku dhow Buuloburde iyo Matabaan, halka sidoo kale la filayo in ciidamo kale ay ka soo baxaan aagga Jalalaqsi.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta reer Hiiraan iyo dowladda federaalka, gaar ahaan arrinta mustaqbalka maamulka gobolka.
Qiyaastii 2,000 oo ka tirsan Macawiisleyda ayaa hadda lagu soo waramayaa inay ku sugan yihiin Beledweyne, iyagoo wata hub iyo gaadiid dagaal. Ciidamadan ayaa Jimcihii si nabad ah ula wareegay xerada Lama Galaay iyo xarumaha maamulka gobolka Hiiraan iyo degmada Beledweyne.
Dhaqdhaqaaqa ciidamada ayaa lala xiriirinayaa qorshe ay bulshada deegaanka qaarkeed ku doonayaan in Hiiraan loo sameeyo maamul ka madax-bannaan Hirshabeelle. Macawiisleyda ayaa la filayaa inay door muuqda ka qaataan dhismaha iyo sugidda amniga maamulkaas haddii qorshuhu hirgalo.
Waxaa sidoo kale soo baxaya walaac ku saabsan in ciidamada Xoogga Dalka ee deegaanka ka soo jeeda ay ka baxaan qaar ka mid ah furimaha ay kaga sugan yihiin Hiiraan, taasoo haddii ay dhacdo saameyn ku yeelan karta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.



















