Guddiga doorashooyinka oo la filayo inay ku dhawaaqaan dib-u-dhac doorasho

1461

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dhawaan ay suurta-gal tahay in guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka ku dhawaaqaan dib u dhaca doorashada Soomaaliya.

Xubno ka tirsan guddiga ayaa sheegay in guddiga ay doonayaan in dib loo dhigo doorashada ilaa xal looga helayo cudurka Coronavirus, balse aysan wali soo dhameystirmin talooyinka arrintaan ku saabsan ee lala yeelanayo mas’uuiliyiin kale oo ka tirsan xafiisyada sare ee dalka iyo xisbiyada mucaaradka.

“Shaqada guddiga waa istaagtay gobal ilaa magaalo, waxaa sidoo kale xirmay dhaq dhaqaaqii iyo howlihii guud ee doorashooyinka waxaana dalka ka jira qatarta Coronavirus mana la joogo xili laga hadlo doorasho,” ayuu yiri qof xubin sare ka ka ah guddiga.

Ma cadda muddada dib loo dhigay doorashada, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay noqon karto ilaa lix bilood.

Guddiga ayaa ka hor inta aysan ku dhowaaqin go’aankooda sugaya inay eegaan xaaladda Coronavirus ee dalka, ayaga oo rumeysan in maalmaha ama asbuucyada soo socda ay kasii dari doonto, si go’aankoodu ugu muuqdo mid gar ah.

Lama oga sida ay suurta-gal ku noqon karto arrintaan balse waxay xubnaha guddiga sheegeen in ay aaminsan yihiin in qataro badan ka dhalan karto dib u dhaca laakiin waxaa ka sii daran bey yiraahdeen qatarta COVID-19.

Cudurka Covid 19, ayaa u muuqda mid ku sii faafaya Soomaaliya, waxaana isa soo taraya walaaca ay qabaan bulshada Soomaaliyeed maadaama aysan dowladu laheyn awood ay arrintaan wax uga qabato.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan muddo ka yar 8 bil halka tan baarlamankana ay ka harsan muddo 5 bil oo kaliya, lamana oga hadii dib loo dhigo ilaa inta ay noqon karto. Sidoo kale waxaa la ogeyn sida ay ku yeelayaan xisbiyada mucaaradka ee ka jira dalka.