Guri Dabaq ah oo kuyaalla Muqdisho oo soo dumay

210

Waxaa xalay soo dumay guri dabaq dheer oo kuyaalla Suuqa weyn ee Bakaaraha ,gaar ahaan halka loo yaqaan Carwo Leemon oo ku dhaw isgooska Bakaaraha ee degmada Howlwadaag.

Dabaqan soo dumay oo ka koobnaa 8-biyaano ayaa la sheegay in uu ku dul-habsaday guryo kale oo hoostiisa kuyaalay, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad daris laáhaa dhismaha.

Inta la xaqiijiyay gabar iyo hooyadeed ayaa ku dhintay dhismaha dabaqa ah ee soo dumay, waxaa sidoo kale la baadigoobayaa dad kale oo laga cabsi qabo in ay dhinteen kuna hoos jiraan dhismaha dabaqa ee soo dumay.

Ciidamada ammaanka iyo dadka deegaanka ayaa wada gurmadka lagu baadigoobayo dadka loo maleenayo in ay dhismaha ku hoos jiraan, waxa ay sidoo kale booliiska wadaan baaritaanno ku aadan waxa sababay in uu soo dumo dabaqa dhismaha ku socday.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay dhismayaasha dhaa dheer, waxaana jirin in dhismayaasha qaarkood la hubiyo tayada dhismahooda iyo sidoo kale dadka dhisaya ee loo dhiibo.