Halka Wado Ee Uu Zlatan Ibrahimovic Ugu Soo Biiri Karo Liverpool Oo La Kashifay

1699

Xiddiga weerarka ka ciyaara ee Zlatan Ibrahimovic ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Liverpool inta lagu jiro suuqa January.

Alejandro Moreno ayaa sheegay in uu Zlatan Ibrahimovic ku biiri karo kooxda Liverpool hadii uu Jurgen Klopp ku qanciyo in uu kaydka u fadhiyo kooxda waliba kaydka ka caawiyo kooxda

Zlatan Ibrahimovic ayaa ah xiddig xor ah kadib markii uu isaga tagay kooxda La Galaxy kadib markii uu dhacay heshiiskii kuu kula joogay kooxda reer America.

Xiddigii hore ee kooxda chelsea haatana falanqeeye ka ah ESPN ee Craig Burley ayaa todobaadkii hore sheegay in ay tahay in ay Liverpool la soo saxiixato xiddigii hore ee Man United.

Laakiin Moreno ayaa sheegay in ay ku soo biirista Ibrahimovic ee Liverpool suurtagaltahay hadii uu Jurgen Klopp xiddiga ku qanciyo in uu door weyn ka qaato kooxdiisa.

“Waxan u malaynayaa in uu noqon doono mid farqi u sameeya Liverpool laakiin arinta jirta ayaa ah Ibrahimovic Ma ogolyahay in uu kaydka fadhiyo”.

“Haa, Hadii aad doonayso xiddig kaydka fadhiyo waliba kooxda caawin kara waa isaga”.

“Laakiin waa in aad Zlatan ku qanciso in uu kaliya kaydka u fadhiyo kooxda waliba ku faraxsanaado in uu noqdo hogaamiyaha qolka Labiska laakiin isagu ma ahan qofkaas, halkaas ayayna dhibaatadu ka imanaysaa”.

“Hadii uu Ibrahimovic diyaar u yahay in uu Aqbalo kaydka, waa waxa ay tahay in uu sameeyo oo ah in uuna joogto u ciyaarin si uu Isna ugu guulaysto horyaalka premier League markii ugu horaysay taariikhdiisa”.

“Laakiin waa in uu Klopp marka hore ku qanciyo in uu Zlatan ogolaado kaydka kadib wuu ku biiri karaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.