Harry Maguire Oo Noqday Daafaca Ugu Qaalisan Adduunka

1966

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa daafaca kooxda Leicester City ee Harry Maguire kaas oo ay kula soo wareegtay lacag dhan 80 Milyan oo euro.

Maguire ayaa qalinka ku duugay heshiis 6 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Old Trafford iyo waliba Hal sano oo dheeraad ah.

Xiddiga 26 jirka ah ee reer England ayaa noqday daafaca ugu qaalisan suuqa kala iibsiga kadib markii ay Red Devils baanka u jabisay saxiixiisa.

Harry Maguire oo ka hadlaya dareenkiisa ayaa yidhi” Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku soo biiray kooxdan weyn, waxa aan si fiican ugu raaxaystay wakhtigaygii Leicester waxana aan doonayaa in aan cid walba oo kooxda la xidhiidha u mahad celiyo, waxa ay si fiican ii taageereen labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay laakiin markii ay Man United soo garaacdo Albaabkaaga, waa fursad weyn”.

“Markii aan wadahadalo la qaatay tababaraha, waan la dhacsanahay waanan sugi laayhaya in aan u ciyaaro kooxda iyo waliba qorshaha kooxda oo uu tababaruhu dhisayo koox koobab ku guulaysan karta”.

Ole Gunnar Solskjaer oo markiisa ka hadlaya ayaa yidhi” Harry waa mid ka mid ah daafacayada ugu fiican kubada cagta maanta waxana aan ku faraxsanahay in aan ku guulaysanay adeegiisa, waxa uu ku fiican yahay madaxa, waxana si weyn looga dareemaa garoomka waxana uu leeyahay awood uu ku xamili karo cadaadis”.

Harry Maguire ayaa noqday saxiixii 3-aad ee ay kooxda Man United samasay xagaagan isaga oo ay kooxda kaga soo horeeyeen xiddigaha Aaron Wan- Bissaka iyo Daniel James.