Horjoogihii Alshabaab ee gobolka Banaadir oo dhintay

208

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan Alshabaab oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray howlgal ciidanka xoogga ay bil ka hor ka fuliyeen xadka labada Shabeelle.
Maxamed Xasan Cumar oo loo yaqaanay abuu Cabdiraxnmaan oo ahaa horjoogihii Alshabaab ee gobolka Banaadir ayaa ku geeriyooday magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

War kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in horjoogahaan uu door weyn ku lahaa marin habaabinta dhallinyarada iyo dhibaataynta shacabka.

Dowladdu waxay sheegtay inuu u geeriyooday dayac iyo daryeel la’aan ka dhalatay dhaawaca uu qabay oo ahaa mid culus. Balse ururka Alshabaab oo war soo saaray waxay sheegeen inuu u geeriyooday xanuun uu muddo la jiifay.