Ilhan Cumar iyo Rashidiya oo maanta la dhaarinayo

1782

Ilhan Cumar oo ah gabar asalkeedu yahay Soomaali kana mid ah Mudanayaasha Aqalka Kongareska dalka Maraykanka ayaa lagu wadaa in maanta la dhaariyo.

Sidoo kale waxaa xubnaha cusub ee loo dhaarinayo Kongreska dalka Maraykanka ka mid ah Gabar Muslimad ah oo lagu magacaabo Rashiida Dhaalib oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Falastiin

Guud ahaan Dalka Maraykanka maanta waxaa lagu wadaa in la dhaariyo xubnaha cusub ee ku soo biiray labada aqal ee congresska Maraykanka.

Dhaarinta xubnaha cusub ee Kongreska dalka Maraykanka ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa iyadoo qeybo ka mid ah hawlihii dowladda dhexe ay xanniban yihiin sababo la xariira Muranka Madaxweyne Trump ee Miisaaniyadda.

Madaxweyne Trump ayaa weli ku adkeysanaya in uu helo balaayiin dollar oo uu ku bixiyo dhismaha darbiga laga dhisayo xadka Maraykanka uu la wadaago dalka Mexico.