Maamulka Hirshabelle oo isbedel ku sameeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Sh/dhexe

1932

Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa wareegto uu so saaray waxa uu xilkii ugaga qaaday xoghayihii Guud ee Maamulka gobolka Sh/dhexe Cali Ibraahim Beesh isagoo u magacaabay xil kale.

Wareegtadan ayaa waxaa loogu magacaabay Xoghayaha Guud ee Maamulka gobolka Sh/dhexe Abshir Ibraahim Maxamed.

Cali Ibraahim Beesh xoghayihii hore ee gobolka Sh/dhexe ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha maamulka gobolka,iyadoo sidoo kale guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyada Cabdulaahi Axmed Shitaawe uu noqonayo guddoomiye ku xigeenka arrimaha Maaliyada.

Waa markii ugu horeysay ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle isbedel uu ku sameeyo maamulka gobolka Sh/dhexe taniyo markii uu noqday Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle.

Maxamed Cali Caadle Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle ayaa hore loogu eedeyay inuu isbedel ku sameeyo maamulka gobolka Hiiraan oo kaliya.

Halkan hoose ka aqriso wareegtada isbedelka Maamulka gobolka Sh/dhexe.