Jig Jiga Soomaalidii ugu badneyd oo saf u gashay soo dhaweynta Abiy +SAWIRRO

45

Magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa saaka gaaray ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi.

Soo dhaweynta ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa waxaa safaf dhaadheer u galay Soomaalida ku dhaqan magaaladaasi oo leh qaybahooda kala duwan, sida ay muujinayaan sawirro ka imaanaya jigjiga, kadib markii uu maanta ka dagay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Dowlad Deegaanka ayaa u diyaarisay soo dhoweyntii ugu weyneyd ee Abiy Axmed, taas oo noqotay middii ugu ballaarendy ee ay Soomaali u sameyso, sida laga arki karo muuqaalka.

Abiy ayaa booqasho ku maray deegaanka Soomaalida, isaga oo kormeer ku sameynayo magaaooyinka waa wayn, isaga oo la kulmayo waxgaradka iyo mas’uuliyiinta deegaanka.

Shalay ayuu Abiy Axmed booqday magaalada Godey, wuxuuna ka furay mashruuc waraab ah, si ay uga faa’iideystaan dadka shacabka ah ku dhaqan halkaasi.

Waxaa kale oo uu Soomaalida u sheegay inay iska dhaafaan khilaafka iyo colaadda, Soomaaliduna ay leedahay kheyraad ku filan Itoobiya oo dhan, sida uu hadalka u dhigay.

Booqashada Abiy Axmed ee Jigjiga ayaa kusoo aadeyso, xilli weli taagan tahay xiisaddii ka dhalatay dagaalkii ka dhacay deegaanka Dacawaley oo ay dad badan ku dhinteen.