Jubbaland oo si caro leh uga hadashay hadalkii Amb, Francisco Madeira +COD

1459

Madaxweyne Ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig Saxaafada la hadlay ayaa si adag u cambaareeyeen Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb, Francisco Madeira, kaas oo ay sheegeen in uu gef u geystay mid kamid ah Beelaha Soomaaliyeed.

Amb, Francisco Madeira ayaa kulankii Golaha Ammanaka ee Qaramada Midoobey ee dhawaan qabsoomay ka sheegay,isaga oo ka hadlayay Arrimaha Jubbaland in Madaxweyne Axmed Madoobe uu la heshiiyey Xubnihii mucaaradka ee beeshiisa kaliya,hayeeshee hadalkaas ay ka caroodeen Madaxda Jubbaland iyo Xildhibaan Xidig.

Madaxweyne Ku xigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya uu ku milmay Arrimaha Gudaha Soomaaliya,isaga oo sigaar ah u magac dhabay Beel Soomaaliyeed,isla markaana aaney aheyn mid sax ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in heshiiskii Madaxweynaha Jubbaland iyo Xubnihii isbedel-doonka uu ahaa mid siyaasi ah balse uusan aheyn mid beeleed,loogana baahan yahay Dowladda federaalka iyo Xildhibaannada Golaha Shacbaka inay dib u eegis ku sameeyaan hadalkii Francisco Madeira.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dhankiisa sheegay in falka uu ku kacay Amb, Francisco Madeira uu yahay mid ka baxsan anshaxa Midowga Afrika,sidaas daraadeedna ay furi doonaan gal dacwadeed ka dhan ah Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Amb. Francisco Madiera.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb, Francisco Madeira weli dhankiisa wax jawaab ah kama soo bixin eedeyntaan ay u jeediyeen madaxda Jubbaland iyo Xubnihii isbedel doonka oo ay ku sheegeen in uu u gefay mid kamid ah Beelaha Soomaaliyeed.