Jurgen Klopp Oo Go,aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mustaqbalka Divock Origi

1615

Jurgen Klopp Oo Go,aan Kama Dambays Ah Ka Gaadhay Mustaqbalka Divock OrigiTababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa go,aan kama dambays ah ka gaadhay mustaqbalka xiddigii wacdaraha dhigay labadii kulan ee ugu dambeeyay champions League ee Divock Origi kaas oo uu shaki ku jiro mustaqbalkiisa kooxda.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa go,aansaday in uu sii haysto xiddiga reer Belguim ee Divock Origi inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan isaga oo hor istaagi doona dalab walba oo laga soo gudbiyo.

Wargayska Liverpool Echo ayaa sheegaya in ay Liverpool si aad ah u doonayso in ay sii haysato Divock Origi xilli ciyaareedka dambe inkasta oo uu si xor ah uga tagi doono kooxda xagaaga dambe.

Liverpool ayaa isku dayi doonta in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga inta uu socdo xilli ciyaareedka dambe iyaga oo diiday dalab walba oo lagu doonayo xiddiga weerarka ka ciyaara.

Reds ayaa wadahadalo fiican la yeelatay wakiilka xiddiga iyaga oo doonaya in ay hesiis cusub ka saxiixdaan xiddiga kadib qaab ciyaareedkii uu soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin hadii ay heshiis la gaadhi waayaan waxa ay diyaar u yihiin in ay si xor ah ku waayaan halkii ay iska iibin lahaayeen xiddiga inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.