Juventus Oo Heshiis Kama Dambayn Ah La Gaartay Pep Guardiola

1606

Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa xaqiijiyay war lama filaan ah kadib markii ay xaqiijiyeen in ay kooxda Juventus heshiis kama dambays ah la gaadhay tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola si uu u hogaamiyo kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Wararka ayaa bilowday kadib markii salaasadii lagu arkay tababare Guardiola Dalka Italy isaga oo ka qayb galay kulan Golf-ka ah oo ka dhacay Milan isaga oo waliba dagay Hudheelka uu dagan yahay agaasimaha kooxda Juventus.

Idaacada Radio Sportiva ayaa shaaca ka qaaday in ay kooxda Juventus ugu dambayn heshiis la gaadhay Tababare Pep Guardiola si uu u hogaamiyo kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Idaacada ayaa sheegaysa in uu Guardiola ogolaaday heshiis uu kooxda Juventus ku joogi doono ilaa xagaaga 2023 isaga oo sanadkii qaadan doona lacag dhan 22 milyan oo euro.