Khaatumo oo maamul goboleed rasmi ah loo aqoonsaday

21

War-murtiyeed kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa maamul goboleed rasmi ah loogu aqoonsaday maamulka SSC Khaatumo, oo horey isugu heysan jirin maamulada Somaliland iyo Puntland, kahor dagaalkii Laascaanood.

Waxaa lagu sheegay war-murtiyeedka, in dowladda Federaalka Soomaaliya oo tixgelinaysa go’aankii 6, Feb 2023 ka soo baxay odayaasha dhaqanka ee deegaannaa SSC Khaatumo ay Maamul Goboleed rasmi ah u aqoonsatay SSC-khaatumo.

War-murtiyeedka saakay soo baxay , ayaa sidoo kale lagu sheegay in maamulka Khaatumo xubin buuxdo ka noqon doono Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin madaxda dowladda Fedrraalka iyo sidoo kale madaxda dowlad goboleedyada.

Dowladda Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegtay in hadda kaddib deegaannada maamulka Khaatumo aan loogu yeerin karin deegaanno lagu muran san yahay, waxa ayna dowladda Federaalka u caddeysay hay’adaha iyo saaxiibada caalamka in deegaannada SSC uga howlgalaan sida kuwa kale ay joogaan.

Maamulka Khaatumo , ayaa horey u ahaa maamul KMG ah oo aan heysan aqoonsi rasmi ah, hasa ahaatee safarka taariikhiga ahaa uu halkaasi ku tagay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Barre, ayaa sababay in maamulka uu helo aqoonsi rasmi ah , sidoo kale laga dhagax-dhigo mashaariic badan.