Laba Sabab Oo Uu Mauricio Pochettino Isaga Diidi Doono In Uu Tababare U Noqdo Arsenal Oo La Kashifay.

1651

Halyeeyga Kooxda Man United ee Gary Neville ayaa kashifay laba sababood oo uu Mauricio Pochettino isaga diidi doono in uu noqdo tababaraha kooxda Arsenal hadii loo soo bandhigo adeega.

Tottenham ayaa si lama filaan ah shaqada uga caydhisay tababare Mauricio Pochettino todobaadkii hore iyaga oo ku badalay tababare Jose Mourinho kaas oo ku soo laabtay premier League.

Mauricio Pochettino ayaa haatan haysta dhawr dookh isaga oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer yurub ah sida Bayern Munich, Manchester United, Real Madrid & Paris Saint-Germain.

Sidoo kale Tababaraha reer Argentine ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Arsenal xilli uu Unai Emery wajahayo cadaadis xoogan kadib bar-barihii ay Arsenal la gashay kooxda Southampton.

Laakiin Garry Neville ayaa sheegay in daacadnimada kooxda Tottenham iyo waliba lacagta yar ee ay Maamulka Arsenal siiyaan tababarayaasha si ay ugu galaan suuqa in ay sabab u noqon doonto in uu Pochettino iska diido in uu tababare u noqdo kooxda Arsenal.

“Mauricio Pochettino waxa lala xidhiidhin doonaa shaqo kasta 3-da bilood ee soo socda”ayuu Neville u sheegay Sky Sport.

“Waxan u malaynayaa in uu joogo boos uu ka dooran karo kooxda uu ku biiri doono”.

“Waxa uu joogaa boos xoogan oo uu ku dooran karo koox weyn oo reer yurub ah”.

“Arsenal waxa noqon doontaa mid xiiso leh sidii horay u dhacday ee uu tababarihii hore ee Arsenal ee George Graham ku biiray Tottenham”.

“Miyay Taageerayaasha Arsenal jeclaan doonaan?, Miyuu Mauricio Pochettino Qaban doonaa shaqada? Miyayse Arsenal u dhaqaaqi doontaa saxiixiisa?”.

“Ima malaynayo in uu Mauricio Pochettino doonayo in uu qabto shaqada Sababta oo ah jacaylka uu u qabo Tottenham”.

“Sababta kale ayaa ah in uuna Arsenal ka heli doonin lacag badan oo uu ku dhiso koox ku tartami karta horyaalka sabab la xidhiidha in ayna maamulka kooxdu diyaar u ahayn in ay bixiyaan lacag badan”.