Lionel Messi Oo Rikoodh Ka Dhigay Horyaalka La Liga Kadib Goolkii Atletico Madrid.

1749

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa sii wada dhigista Rikoodhada Horyaalka La Liga kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Atletico Madrid ee horyaalka La Liga.

Kulanka oo ka dhacay garoonka Atletico Madrid ee Wanda Metropolitano ayuu Lionel Messi dhaliyay goolka kaliya ee ay kooxdiisu ku gaadhay guusha muhiim ka ah.

Kadib goolkaas xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa isku qoray taariikhda horyaalka La Liga sida ay sheegtay boga Uruuriya xogta kubada cagta Spain ee Opta.

Rikoodhkaas ayaa ah in uu Lionel Messi haatan gool ka dhaliyay 20 goolka Garoon ee horyaalka La Liga iyada oo uu garoonka Wanda Metropolitano  ahaa Garoonkii ugu dambeeyay ee gool ka dhaliyo.

  1. Camp Nou
  2. Son Moix
  3. Balaídos
  4. C de Valencia
  5. Sánchez-Pizjuán
  6. El Sadar
  7. Alfonso Pérez
  8. Mestalla
  9. Bernabéu
  10. Zorrilla
  11. de la Cerámica
  12. Villamarín
  13. Anoeta
  14. N Los Cármenes
  15. RCDE Stad.
  16. San Mamés
  17. Ipurua
  18. Butarque
  19. Mendizorroza
  20. Wanda Metropolitano