Liverpool Oo Iibinaysa Xherdan Shaqiri

1763

Kooxda Liverpool ayaa heshay dalab wakhti dambe ah oo looga doonayo xiddiga garabka uga ciyaara kooxdiisa ee Xherdan Shaqiri ka hor inta uuna maanta xidhmin suuqa kala iibsiga xagaaga ee horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa Monaco u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 33 milyan oo euro hadii ay doonayso saxiixa xiddiga Xherdan Shaqiri kadib markii ay Monaco xidhiidh kala soo samaysay xiddiga reer Switzerland.

Shaqiri ayaa Anfield joogay hal sano kadib markii uu xagaagii hore kaga soo biiray kooxda Stoke City kana qayb qaatay ku guulaysigii Liverpoool ee champions League xilli ciyaareedkii hore.

Laakiin kooxda Monaco ayaa xidhiidh wakhti dambe ah la soo samaysay kooxda Liverpool si ay u hesho saxiixa xiddiga sida uu sheegayo wargayska Blick.

Kooxda ku ciyaarta Anfield ayaa la sheegayaa in ay 33 milyan dul dhigtay Madaxa Shaqiri laakiin waxa la rumaysan yahay in ay diyaar u yihiin in ay ku iibiyaan qiimaha saxda ah.

Goal ayaa dhankiisa sheegay in uuna xiddiga reer Swiss ku fiicnayn shaxda Klopp waliba diyaar u yahay in uu iska iibiyo hadii uu u yimaado qiimaha saxda ah xagaagan.

Kooxda Liverpool ayaan ilaa haatan samayn saxiix weyn oo kooxda 1-aad ah marka laga reebo in ay la soo saxiixdeen xiddigaha da,yarka ah ee Sepp van den Berg oo 17 jir ah Goolhaye Adrian oo ay xor kula soo saxiixdeen badalna uga dhigeen Simon Mignolet.