Liverpool oo usoo gudubtay Wareega 16-aad ee Champions League+SAWIRRO

2048

Kooxda Liverpool ayaa si xarago leh isaga xaadirisay wareega 16-ka champions League kadib markii ay guul ka gaadheen kooxda RB Salzburg Kulan ka tirsanaa kulankoodii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada.

Reds ayay guushaas ka caawisay in ay kaalinta 1-aad kaga ee Group-kooda iyaga oo hal dhibic ka sareeya kooxda Napoli oo kaalinta 2-aad kaga soo baxday Group-ka.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican oo weerariyo weerar celis ah inkasta oo ay Liverpool dhanka kubad haysashada ku fiicnayd.

Labada Kooxood ayaa sidoo kale sameeyay fursado cajiib ah iyada oo labada Goolhaye sameeyeen bad-baadino fiican oo cajiib ah xilli ay Liverpool iska khasaarisay fursado Fiican.

Qaybtii hore ayay labada Kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la,aan ah xilli ay taageerayaasha Liverpool wadanaha farta ku hayeen kana cabsi qabaeen lama filaan dhaca qaybta dambe ee ciyaarta.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay Labada Koooxoodba ku soo galeen ciyaarta iyaga oo ay ka go,antahay in ay ciyaarta wax ka badalaan waliba goolal dhaliyaan.

Liverpool ayaa 2 daqiqio hudohood ciyaarta ku badashay iyaga oo dhaliyay laba gool bilowgii qaybtii dambe ee ciyaarta ciyaartana dhankooda u rogtay.

Ugu horayn Daqiiqadii 57-aad ayuu Sadio Mane kubad qurux badan u soo qaaday Naby Keita isaga oo ka faa,iidaystay bixitaanka Goolhayaha kooxda Salzburg isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Liverpool ku hogaaminayso ciyaarta.

Isla daqiiqadii 58-aad ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo ka faa,iidaystay khalad kale oo ka yimid Goolhayaha kooxda Salzburg kaas oo mar kale ka soo baxay Goolkiisa.

Mohamed Salah oo qaybtii hore khasaariyay fursad la yaab leh ayaa markan iska garab maray Goolhayaha kadib boos la yaab leh ka dhaliyay goolka isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Labadaas gool ayaa u muuqday kuwo niyad jabiyay kooxda Salzburg halka ay Liverpool sii waday khasaarinta fursado badan oo cajiib ah.

Waxa intaas sii dheer in ay Liverpool markii ugu horaysay ilaashatay champions League iyada oo uu Alisson sameeyay bad-baadino cajiib ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool kaalinta 1-aad kaga soo baxday Group-kooda tartanka champions League.