Luis Suarez Oo Fikirkiisa Ka Dhiibtay Tartanka Horyaalka Premier League

1867

Luis Suarez ayaa qirtay in uuna aamini doonin hadii ay Liverpool iska khasaariso 8-da dhibcood ee ay ku hayso horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kana soo dhaadhacdo kaalinta 1-aad ee horyaalka.

Reds ayaa duulaysa xilli ciyaareedkan iyaga oo ku jira kaalinta 1-aad ee kala saraynta kadib markii ay si dirqi ah ku waayeen horyaalka xilli ciyaareedkii hore.

Liverpool ayaa haatan 8 dhibcood ka horaysay kooxaha chelsea iyo Leicester City oo isku dhibco ah halka ay 9 dhibcood ka dambeeyaan kooxda Man City.

Laakiin Xiddigii hore ee Reds Suarez ayaa rumaysan in ay kooxda Liverpool ugu cad-cadahay in ay soo afjaraan 29 sano ee horyaal la,aanta ah.

“Ku Guulaysiga premier League? way adagtahay sababta oo ah wali xilli ciyaareedku wuu dheeryahay”ayuu Suarez u sheegay ESPN.

“Laakiin waxa ay haystaan fursad fiican wakhti xaadirkan wayna adagtahay in la rumaysto hadii ay iska khasaariyaan kuna fashilmaan ku guulaysiga horyaalka”.

“Waxa ay haysteen fursad sidan oo kale ah xilli ciyaareedkii hore laakiin ugu dambayn Man City ayaa ku guulaystay horyaalka”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.