Madaxweynaha Puntland oo u Hanjabay Somaliland + COD

1504

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Soomaaliland ciidamo farabadan oo Millateri ah ay geysay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, iyada oo Gobolkaas qeybo ka mid ah ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland.

Ciidamadaas ay Soomaaliland geysay deegaanka Yubbe ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa digniin ka soo saaray Maamulka Puntland,waxana Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu sheegay in Soomaaliland ay markale wado duulaan ay ku soo qaadeyso deegaanada Puntland.

Waxa uu sheegay in ay nasiibdaro tahay in maalinba maalinta ka dambeysa daandaansi ay wado Soomaaliland,waxana uu uga digay Soomaaliland inay joojiyaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ay wadaan, isaga oo ugu hanjbay in Puntland ay ka jawaabi doonto.

Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Soomaaliland ayaa horay waxa ay ugu wada dagaalameen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool,xilligaas uu Puntland maamulayay Cabduweli Maxamed Cali Gaas, hayeeshee Madaxda Cusub ee puntland ay wajahayaan xiisad kale oo kaga imaaneysa dhinaca Soomaaliland.