Madaxweynihii Hore Ee Galmudug Oo Abdikarim Guleed. Ayaa ku Wajahan Magaalada Hobyo

1491

Berri waxaa degmada Hobyo ku wajahan Wafdibuu Hogaaminaayo madaxweyinihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Safarka madaxweyne Guuleed ayuu ujeedkiisu yahay dhiirrigelinta madasha dib u hishiisiinta ee Hobyo iyo ka qeyb qaadashada dhisidda Galmudug loo wada dhanyahay.

Madaxweyne Guuleed ayaa lagu xasuustaa waayihiisii Galmudug, sal u dhigista maamul mug leh, isu-heynta beelaha walaalaha ah ee daga deegaanada maamulkaasi, iyo dhismaha Hay’adaha Dowliga ah ee Galmudug.