Man City Oo Ku Ciil Baxday Burnley , Ka Dib Ciyaar Dhann Waliba Ka Dhameystirneyd .

1937

Man City ayaa nasiinada ugu dirtay Burnley hal gool oo nadiif ah waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 15-ad horyaalka Ingiriiska .

Labada koox ayaa biloowgii soo bandhigay ciyaar u furneyd waliba laheyd fursado waa weyn oo dhanka City ah balse uu u diiday goolhayaha Burnley .

City waxa ay soo bandhigeen ciyaar deg degsiimo leh iyaga ayaana kubadda ka haystay kooxda ay martida u ahaayeen kuwaasi oo kaliya ku tiirsanaa kubadaha rogaal celiska ah .

City si wacan ayay garoonka isugu balaariyeen iyaga ayaana ku sareeyay maamulka qadka dhexe xilli goolka kalia ee lagu nastay uu dhashay daqiiqaddii 24-aad waxaana si cajiib oo qajaf ah ku dhaliyay Gabriel Jesus .

Burnley waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah mararka qaarna halis ayay ahaayeen , wax ayna City kulankaan qaab xoriyad leh u ciyaarayay De Bruyne kaasi kubado cajiib ah dhisayay .

City fursad xaqiiq ah ayay halayeen balse waxaa u diiday goolhayaha Burnley kaasi oo si la yaab leh u bad baadiyay , waxa ayna heerka kubad haysashada City ee qeybtaa shore gaartay %72

Soo laabashadii , City cadadis ayay saareen Burnley waxa ayna u nuglaayeen gool labaad kaasi oo yimid daqiiqaddii 50-aad waxaana dhaliyay Gabriel Jesus ak dib baas u ka helay Bernando Silva .

Sidaas oo ay tahay Burnley , isku dayo kala duwan ayay sameynayeen waxa ayna maciin bidayeen kubadaha rogaal celiska ah balse daafaca City durba waa ay soo celinayeen waxa ayna sheekooyinkaas dhacayeen illaa iyo daqiiqaddii 64-aad

Mna City waxa ay u muuqatay in ay go`an guul mooyee wax kale aysan aqbalayeen waxa ayna Burnley saarayeen cadaadis illaa gool sedexaadoo indho daraandar ah uu dhaliyay Rodri daqiiqaddii 68-aad, waxa ayna City badalkoodii ugu horeeyay sameeyeen daqiiqaddii 72-aad iyadoo la saaray Raheem kaasi oo lagu badalay Mehraz .

Kooxda Burnley waxaa ku adkaa in si sax ah ay kubadda u jiidaan , durbana waa la soo celinayay , waxa ayna dhamadkii ciyaarta u muuqatay mid iska degtay inakstoo City mar waliba goolal raadis aheyd, waxa ayna daqiiqaddi 85-aad soo giliyeen Eric Garcia oo loo badalay Fernandinho.

Daqiiqadihii geerida , dadaalkoodii iyo maamulkii kubadda waxa ay ku keeneen gool 4-aad waxaana dhaliyay Mehraz kaasi oo badal ku soo galay ciyaarta waxa uuna goolkaas dhashay daqiiqaddii 87-aad bale Burnley gool ayay dhaliyeen daqiiqadidi 89-aad, waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay afartaas gool ee ay City laheyd