DAAWO:-Man City Oo Ku Raaxeysatay Club Brugge +SAWIRRO

1397

Man City ayaa guul ay u qalantay ka gaartay Club Brugge  oo ay  uga talaabsadeen 5/1

Man City ayaa soo bandhigtay ciyaar aad u xaraarad badan waxa ayna Club Brugge nasiinada ugu direen laba gool oo nadiif ah oo  mid ahaa rigoore .

City aad ayay uga wacnaayeen Club Brugge , is fahan iyo kubad deg degsiimo leh ayay ciyaarayeen iyagana ayaa ku sareeyay maamulka kubadda.

Kooxda garoonka kubadaha  rogaal celiska  ah ayay ku tiirsanaayeen balse nasiibka ayaa caawinayay oo City fursado badan ayay qasaarinayeen halka goolhayahana uu sameeynayay bad baaado.

City kubadooda waxa ay ka socotay garbaha oo aheyd halka ay ka liiteen Club Brugge , waxaana City goolasha u kala dhaliyay Cancelo iyo Riyad oo rigoore saxiixay.

Soo laabashadii , City cadaadiska ayay sii wadeen Club Brugge waa ku adkeyd in kubadda horay u soo jiidaan illaa loogu daray goolka sedexaad ee uu saxiixay K. Walker daqiiqadii 53-aad

Kooxda gareenka waa iska dhex taagnaayeen garoonka halka City kubad deg degsiimo leh ayay ciyaareysay ilaa gool afaraad oo cajiib waxaanaa daqiiqadii 67-aad saxiixay C. Palmer

Kooxda garoonka , dhamaadki waa dadaalayeen ilaa gool ay keeneen daqiiqadii 80-aad balse City uma istaagin durba gool 5-aad ayuu Riyad dhaliyay daqiiqadii 83-aad

Bandhigga City ayaa ku dhamaaday 5/1 oo ay ku sheegteen awoodda kubadeed.