Man United Oo Bar-Baro Ku Dhaafi Wayday Aston Villa Xilli Red Devils Sii Wado Luminta Dhibcaha

1695

Kooxda Man United ayaa mar kale bar-baro gashay kulanka ay la ciyaaraysay kooxda Aston Villa Kulan ka dhacay Garoonka Old Trafford kana tirsanaa todobaadkii 14-aad ee horyaalka.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Man United si liidata ku bilaabatay iyada oo Aston Villa kaga naxsatay goolka taas oo hurdada ka kicisay kooxda Man United.

Aston Villa ayaa daqiiqadii 11-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jack Grealish kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay 1/0.

Kooxda Aston Villa ayaa dhalisay gool kale laakiin waxa goolkaas lagu diiday Offside uu ku jira kabtanka Aston Villa ee Jack Grealish waxana la diiday in la qabto goolkaas.

Man United ayaa bilowday in ay ku hurdada ka kacdo iyaga qaadayay weeraro ay ku doonayeen goolka ba-baraha iyaga oo qaadayay weeraro iyo waliba cadaadis badan oo ay saareen Aston Villa.

Daqiiqadii 42-aad ayay United dhalisay goolka bar-baraha waxana Si khalad ah isaga dhaliyay goolhayahah Aston Villa ee Tom Heaton kaas oo ciyaarta ka dhiga 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro ku yihiin natiijada laakiin United ahayd kooxda halista badan dhanka weerarka.

Qaybtii dambe ayay United sii waday dadaalka iyaga oo Aston Villa ku qaadayay weeraro culus si ay u dhaliyaan goolal kale.

Arintaas ayaa u suurtagashay Man United daqiiqadii 64-aad iyaga oo uu daafaca Victor Lindelof u dhaliyay goolka 2-aad isaga oo ciyaarta ka dhiga 2/1.

Laakiin Aston Villa ayayna Wakhti dheer ku qaadan in ay u jawaabto Man United waxana ay daqiqiadii 66-aadba dhaliyeen goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Tyrone Mings kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo la isku dhaafi waayay 2/2 inkasta oo ay Man United isku dayday in ay dhaliso goolka guusha.