Man United Oo Garaacday Aston Villa +SAWIRRO

1652

Kooxda Man United ayaa sii wada guulaha premier League iyaga oo garaacay kooxda Aston Villa kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier League.

Qaybta hore:

Kulanka ayaa ahaa mid adag iyada oo ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican labada kooxoodba sameeyeen isku dayo ay ku dooayeen in ay goolal dhaliyaan.

Kooxda Aston Villa ayaa ahayd kooxda fiican dhanka fursadaha xilli ay Man United maamulaysay ciyaarta kuna badnayd dhanka kubad haysashada.

Kooxda Aston Villa ayaa ahayd kooxda fursadaha badan iyaga oo ciyaarayay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayaan in ay gool ku dhaliyaan.

Kooxda Man United ayaa dhankeeda heshay fursado ay ku dhalin kareen goolal laakiin waxa ay dhaafin waayeen goolhayaha kooxda Astona Villa.

Kooxda Man United ayaa daqiiqadii 40-aad dhalisay goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Anthony Martial kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta kulan adag oo ay labada kooxood ciyaareen ugu dambayna Man Uited kala baxday qaybta hore iyaga oo hogaaminay kulanka natiijo ahaan.

Qaybta Dambe:

Kooxda Aston Villa ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybta dambe iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka bar-baraha xilli ay Man United si daafac ah ku bilaabatay qaybta dambe.

Daqiiqadii 58-aad ayay Aston Villa dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Bertrand Traore kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Wixii intaas ka dambeeyay kooxda Man United ayaa bilowday raadinta in ay mar kale hogaanka u qabato kulanka waliba dhaliso goolka hogaanka.

Daqiiqadii 61-aad ayay Man United heshay rikoodhe kadib khalad lagu galay xiddiga Paul Pogba waxana rikoodhada u istaagay xiddiga Bruno Fernandes kaas oo ciyaarta ka dhaliyay goolka 2-aad.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United gaadhay guul muhiim ah oo ay hogaanka kula qabatay kooxda Liverpool.