Man United Oo Xasuuqday Newcastle+SAWIRRO

2234

Man United ayaa garaacday Kooxda Newcastle kulana dul dhacday Cadhadii guuldaradii lama filaanka ahayd ee Axadii ka soo gaadhay kooxda Watford iyaga oo ku soo laabtay wadada saxda ah.

Kooxda Man United ayaa kulanka ku bilaabatay si dab ah iyaga oo Newcastle ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen in ay ku furaan goolal wakhti hore ah.

Laakiin Newcastle ayaa iska caabin xoogan kala hor timid kooxda Man United kuwaas oo qaadayaay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen in ay goolal kaga dhaliyaan United.

Kooxda Newcastle ayay Arintaas u suurtagashay kadib markii ay daqiiqadii 17-aad dhaliyeen goolka 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Matthew Longstaff kaas oo ah xiddigii goolka ka dhaliyay kulankii hore ee ay Newcastle 1/0 kaga badisay United.

Goolkaas ayaad mooday in uu Red Devils hurdada ka kiciyay iyaga oo bilaabay in ay sii xoojiyaan weerarka waliba Newcastle u diidaan in ay nastaan.

Kadib weeraradaas Kooxda Newcastle ayaa bilowday in ay khal-khasho iyaga oo isku dhex-yaacay waliba garan waayay meesha ay wax ka socdaan.

Kadib weeraro aan kala joogsi lahayn Man United ayaa daqiqiadii 24-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Anthony Martial kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Newcastle ayaaba ka soo kabsan wayday naxdintii ay ka qaaday goolka ay Man United dhalisay iyaga oo sii waday khaladkii dhanka dambe ee daafaca.

Man United oo ka faa,iidaysanaysa xaalka Newcastle ayaa daqiqiadii 36-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay da,yarka Mason Greenwood kaas oo dafay kubad ay khaldeen daafacyada Newcastle kadib kubad ganataal ah oo aad moodo in doonayay in uu Goolhayuhu wax ku noqdo dhex-dhigay shabaqa Newcastle kana dhigay ciyaarta 2/1 ay Man United ku hogaaminayso ciyaarta.

Man United oo heshay dhiiri galin dheeraad ah ayaan halkaas kaga hadhin kooxda Newcastele waxana ay sii wadeen raadinta goolal kale oo ay ciyaarta hurdodheer ugu diraan.

Daqiiqadii 41-aad ayay Man United heshay goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Marcus Rashford kaas oo kooxdiisa u sii dheereeyay hogaanka ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man United soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah waliba dhalin kartay goolal ka badan inta ay dhaliyeen.

Qaybtii dambe ayay Man United ka bilaabatay halkii ay kaga tageen qaybtii hore iyaga oo sii waday dadaalkii weerarka ay ku qaadayeen ciyaarta.

Daqiiqadii 51-aad ayay Man United dhalisay goolka 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Anthony Martial kaas oo markii ugu horaysay premier League garoonka Old Trafford ku dhaliyay 2 gool.

Isla Anthony Martial ayaa mar kale soo laabtay oo dhalin gaadhay saddexley laakiin kubadii uu laagay oo dhaaftay goolhayaha ayaa ku dhacday birta kana soo noqotay shabaqa.

Wixii intaas ka dambeeyay Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa sameeyay dib u gurasho isaga oo wada badalay xiddigaha muhiimka u ah si uu u nasiyo.

Man United ayayna u suurtagali wayday in ay dhaliso goolka 5-aad inkasta oo ay sameeyeen fursado fiican oo cajiib ah.

Waxa ugu dambayn sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United gaadhay guul qurux badan kuna soo laabatay wadada guulaha premier League.