Messi oo Ka Huleelayo Kooxda Barcelona

1570

Messi ayaa la tilmaamay in uu doonayo in uu ka huleelo kooxda Barcelona , hadaba warbaahinta Spain ayaa qoreysa afar arin oo ku qasbeysa laacibka uu ka huleelo Camp Nou

Hishiiska Messi ee Barcelona waxa uu dhacayaa xagaaga 2021-ka , waxanaa horay u soo baxay warar sheegaya in wadahadaladda meel wacan marayaan illa ay soo dustay xogtaan cusub

Hadaba afar arin ayaa u sabab ah rabitaanka Messi in uu baxo waxa ayna kala yihiin , isaga oo careysan xogaha dusaya , siyaasadda maamulka Barca oo uusan ku qanacsaneyn.

Sidoo kale waxa uu ka careysan yahay in wax waliba oo kooxda ka dhaca in isaga lagu eedeeyo sida hishiisyada aysan kooxda sameyn iyo xiddigaha ay iska dirto iyo isaga oo careysan hoos u dhaca heerka kooxda ee kulamadii ugu dambeeyay.