Messi, Ronaldo & Van Dijk? Kylian Mbappé Oo Magacaabay Xiddiga U Qalma In Uu Ku Guulaysto Abaalmarinta Kylian Mbappé.

1747

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kylian Mbappé ayaa kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ku taageeray in uu ku guulaysto abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka sanadkan ee Ballon d’Or 2019.

Majalada France Football ayaa bishii hore soo saartay Liiska 30-ka xiddig ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka sanadkan ee Ballon d’Or 2019.

2 bisha dambe ee December ayay majaladu si Rasmi ah ugu dhawaaqi doontaa xiddiga ku guulaysan doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka sanadkan ee Ballon d’Or 2019.

Xiddigaha Cristiano Ronaldo, Lionel Messi & Virgil Van Dijk ayaa la filayaa in ay noqdaan 3-da xiddig ee ugu dambeeya ee isugu soo hadhi doona tartanka abaalmarinta.

Kylian Mbappé oo arintaas ka hadlaya aaya yidhi”Shaki la,aan Messi ayaa u qalma Abaalmarinta marka loo eego qaab ciyaareedkiisa cajiibka ahaa ee sanadka”.

Lionel Messi ayaa horay ugu guulaystay abaalmarinta 5 jeer oo hore waxana laga yaabaa in uu mar kale ku guulaysto abaalmarinta inkasta oo uu tartan kala kulmi doono Van Dijk oo ku guulaystay champions League iyo Cristaino Ronaldo.