Meydka Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo Muqdisho la keenayo

1483

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho la keeno meydka Raisul Wasaarihii hore ee Somalia marxuum Cali Khaliif Galeyr oo shalay ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida.

Marxuumka ayaa maanta aas qaran waxaa loogu sameyn doonaa magaalada Muqdisho, iyadoona qaban-qaabada aaska ay ka socoto magaalada, madaxda sare ee dowlada ayaana la filayaa iney janaaso ku tukadaan, aaskana ka qeyb galaan.

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in Cali Khaliif Gallaydh Raiisul Wasaarihii hore ee dalka uu u geeriyooday Cudurka COVID-19.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Deegaanka Soomaalida Mukhtaar Yuusuf ayaa sheegay ka dib baaritaano ay ku sameeyeen inuu haleelay COVID-19.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay shalay guddi soo qabanqaabiya aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyo Marxuum Cali Khaliif, kaasoo ka kooban Seddax xubnood.