Kooxda Barcelona ayaa laga diiday Racfaankii ay ka gudbisay ganaaxa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara ee Sergio Busquets Sida ay sheegayaan wararku.
Barcelona ayaa racfaan ka gudbisay ganaaxa Sergio Busquets kaas oo qaatay kaadhkii 5-aad ee horyaalka La Liga kulankii Leganes.
Kaadhka uu qaatay xiddigu kulankii Leganes ayaa la macno ah in uu xiddiga reer Spain haatan sheegi doono kulanka adag ee ay Barcelona martida u noqon doonto kooxda Atletico Madrid kana tirsan horyaalka La Liga.
Wargayska AS ayaa sheegaya in ay Barcelona ku fashilantay isku daygii ay doonayeen in ay Racfaanka kaga qaataan ganaaxa xiddiga si uu ugu ciyaaro kulanka Atletico Madrid.
Waxa laga yaabaa in uu Arturo Vidal ka ciyaaro booska Sergio Busquets kulanka Atletico Madrid kadib markii ay Barcelona ku fashilantay racfaankii ay ka gudbisay ganaaxa xiddiga.
Warkan ayaa ah mid u xun kooxda Barcelona marka loo eego in ay dhibaatooto marka uu Sergio Busquets Ka maqan yahay sida dhacday in at guuldaro la kulantay 3-dii kulan ee uuna ku bilaaban horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.