Nuno?, Allegri?, Klopp? Qaar Ka Mid Ah Taageerayaasha Arsenal Oo Fikirkooda Ka Dhiibtay Cida Ay Tahay In Ay Tababare U Noqoto Kooxda Arsenal?

1760

Kooxda Arsenal ayaa ku jirta raadinta badalka Unai Emery oo ay shaqada ka caydhisay Jimcihii kadib guuldaradii ka soo gaadhay Europa League khamiistii.

Halyeeyga Freddie Ljungberg ayaa kooxda si ku meel gaadh ah ku hogaamin doona inta ay kooxdu helayso tababare cusub oo hogaamiya kooxda shaqadana ka badala Emery.

Qaar ka mid ah Taageerayaasha Kooxda Arsenal ayaa fikirkooda ka dhiibtay cida ay tahay in ay kooxda Arsenal u dhiibto shaqada tababaranimo ee kooxda Arsenal.

Taageere ayaa yidhi”Mauricio Pochettino waa la heli karaa, ma garanayo in ay maamulku qaadan karaan, Marka aan runta ka hadlo waxa kale oo aan jeclaan lahaa Mourinho laakiin uu iska diiday in uu yimaado Arsenal”.

Taageere Kale ayaa sidoo kale yidhi”Ma garanayo In Aan Yidhaahdo Laakiin Tababaraha Burnley ee Sean Dyche inkasta oo uu yahay tababare koox yar hogaamiya hadana waxa uu qabtay shaqo fiican”.

“Sida iska cad Mauricio Pochettino waa la heli karaa, Ancelotti waa tababare fiican sidoo kale waxa jira tababarayaal badan oo England ah sida Eddie Howe oo shaqo fiican ka haya Bournemouth kaliya waxa aan aaminsanahay in uuna Unai Emery ahayn tababarihii ku fiicnaa Arsenal”ayuu taageere kale yidhi.

“Tababaraha ugu fiican ee aan doonayo waa Jurgen Klopp laakiin ma imanayo kooxda Arsenal laakiin waxa aan qaadan lahaa Nuno oo Wolves shaqo fiican ka qabtay”ayuu taageere kale sii raaciyay”.

“Mauricio Pochettino ayaa fiicnaan lahaa laakiin uma malaynayo in ay Arintaas dhici doonto, Arteta, Vieira, Allegri iyo tababare walba oo doonaya in uu yimaado”.