PSG Oo Meel Saartay Mustaqbalka Kyalin Mbappe

1783

Madaxweynaha Kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa meel saaray Mustaqbalka xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda PSG ee Kyalin Mbappe xilli si weyn loola xiriirinayo kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga reer France ayaa shaki weyn ku tuuray mustaqbalkiisa kadib markii uu bogiisa Instagram-ka ku soo qoray fariin maldahan oo ah”Dhawaan” taas oo ay dadku u maleeyeen in uu dhawaan isaga tagayo kooxda PSG.

Laakiin Madaxweynaha kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa kala cadeeyay mustaqbalka xiddiga isaga oo france Football u sheegay” Mbappe 200% waxa uu sii joogi doonaan kooxda PSG Xilli ciyaareedka dambe”.

Kooxda Real Madrid ayaa si aad ah ula socota mustaqbalka xiddiga reer France kadib markii ay taageerayaasha Los Blancos dalbadeen in ay kooxdoodu la soo saxiixato xiddiga.

Kyalin Mbappe Ayaa bartilmaameed u ah kooxda Real Madrid tan ilaa markii uu kooxda Monaco joogay iyaga oo xitaa doonayay ka hor intii uuna ku biirin kooxda PSG.