RASMI: Isku Aadka Euro 2020 Oo La Soo Saaray & Portugal Oo Ku Dhacay Group-ka Dhimashada

1894

Xidhiidhka Kubada cagta ee UEFA ayaa si Rasmi ah u soo saartay isku aadka tartanka Euro 2020 kaas oo ay ka soo bexeen Group-yo xiiso leh oo isaga hor yimaadeen xulal waaweyn oo yurub ah.

Tartanka ayaa lagu qaban doonaa dhawr wadan iyada oo yurub oo dhan looga ciyaari doono kulan maadama wadamo badan lagu kala ciyaari doono.

Tartanka ayay ka qayb qaadan doonaan 24 xul iyada oo haatan la xaqiijiyay 20 xul oo u soo baxay Group-ka halka 4 kale ka soo bixi doonaan kulamada kala baxa.

Kulanka ugu horeeya ee tartanka lagu furi doono tartanka ayaa ah kulanka ay wada ciyaari doonaan xulalka Turkey Iyo Italy waxana uu ka dhici doonaa dalka Italy gaar ahaan caasimada Rome.

Halkan Hoose Kaga Bogo Isku Aadka Euro 2020: