Real Madrid Oo Dhamaystirtay Saxiixa Luka Jovic

1684

Kooxda Real Madrid ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Eintracht Frankfurt ee Luka Jovic sida ay xaqiijisay kooxda reer Germany.

Xiddiga ayaa qalinka ku duugay heshiis 6 sano ah oo uu kula joogi doono kooxda Real Madrid isaga oo ka mid noqon doona xiddigaha kooxa Real Madrid ku biir doona xagaagan.

Jovic ayaa si weyn loola xiriirinayay kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkan waxana ay ugu dambayn dhamaystirtay saxiixa xiddiga reer Serbia kaas oo noqday xiddig cusub oo Real Madrid ah.

Real Madrid ayaa xagaagan samayn doonta dib u dhis weyn oo ay ku samayso kooxda waxana uu Jovic weerarka kula tartami doonaa xiddiga Karim Benzema.

Real Madrid ayaa saxiixa Luka Jovic ku dhamaystirtay lacag dhan 60 Milyan oo euro isaga oo noqday saxiixii 3-aad ee ay kooxda Real Madrid samayso xagaagan isaga oo ka dambeeya xiddigaha Eder Militao & Rodrygo.

Jovic ayaa kooxda Frankfurt Ku qaatay laba sano oo amaah ah oo uu kaga yimid kooxda Benfica xagaagii 2017 laakiin xiddiga ayaa wacdaro dhigay xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo dhaliyay 25 gool oo tartamada oo dhan.