Real Madriod Oo Go`aan Cusub Ka Gaartay Mustabqalka Karim Benzema Ee Santiago Bernabéu

1673

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Spain ayaa sheegaya in kooxda Real Madrid ay gaareen go`aan cusub oo ku aadan mustaqbalka weeraryahankooda Karim Benzema.

Hishiiska laacibkaas ee Real ayaa dhacaya June sanadka 2021-ka ,m waxa uuna wargeyska Marca sheegaya haatan in Real go`aansadeen in ay hishiiska u kordhiyaan laacibka .

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Real ay laacibka ka saxiixanayaan hishiis gaaraya xagaaga 2023-ka waxaana sare loogu qaadayaa mushaarkiisa haatan uu qaato .

Benzema ayaa haatan qaata mushaar ka hooseeya midka ay qaataan kabtan Ramos iyo Gareth Bale balse hishiiska cusub is badel ayaa lagu sameynayaa mushaarkiisa .

Wargeyska Marca waxa uu tilmaamayaa in Real haatan bilaabeen wada xaajood ay la furayaan laacibka iyo wakiilkiisa si hishiiska loo dhameystiro .

Benzema oo Real u yimid xilli ciyaareedkii 2009/2010-kii ayaa dhankiisa doonaya in Real uu baaqi ku sii ahaado , waxa uuna waqtigaas ka soo wareegay kooxda Lyon