Rooble oo gudi umagacaabay qilaafka Gedo

1198

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo oo ka kooban 4 xubnood oo ka kala socda Maamulada Koonfur Galbeed, Puntland, Hirshabelle iyo Galmudug

“RW Rooble isagoo tixraacaya heshiiskii 27-kii May 2021, sida oo kale na tixgelinaya baahida loo qabo dardar gelinta geeddi-socodka doorashada waxa uu magacaabay Guddiga Dib-u-heshiisiinta Gobolka Gedo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray xubnaha guddiga la magacaabay in si deg deg ah ay u guda galaan xalinta arrimaha khilaafaadka gobolka Gedo, iyagoo latashiyo la sameynaya dhammaan dhinacyada ay khuseyso.

Talaabadan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii 27-kii May 2021 ee lagu xaliyey khilaafkii DF iyo maamulka Jubbaland, kaasoo la xiriiray arrinta gobolka Gedo, waxayna dhowaan booqan doonaan gobolka Gedo.

Hoos ka akhriso magacyada guddiga