SAWIRRO: Galmudug oo Dhoolatus aan caadi aheyn soo Bandhigtay &

1802

Maamulka Galmudug ayaa ku soo bandhigay magaalada Dhuusamareeb dhoolatus ciidan iyo gaadiid dagaal, kaasoo loo diyaarinayo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab oo dhowaan ka bilaabanaya deegaanada Maamulka Galmudug.

Ciidamadan ayaa ku dhex lugeeyay gudaha magaalada Dhuusamareeb, waxaana la arkayay, iyagoo ku hubeysan gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan.

Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamadan ay weerar ku yihiin deegaanada ay Shabaabka maamulaan, dhowaan la xoreyn doono.

Ciidamada lagu soo bandhigay Dhuusamareeb ayaa ahaa ciidankii Ahlusuna ee horay dagaalada ula galay Al-Shabaab, waxaana ciidamadan lagu biiriyay kuwa Maamulka Galmudug.