Spain iyo Mali oo isku haystaAdama Traore

1696

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxxda Wolves ee Adama Traore ayuu hor yaalaa go’aan uu qaato kadib markii hal mar looga wada yeedhay xulalka qaramada Spain iyo Mali.

Traore ayaa hal mar magaciisa lagu soo daray Liiska xulalka Spain iyo Mali iyada oo uu mid walba doonayo in uu difaaco maaliyadooda kulamada fasaxa xulalka ee labada todobaad ee soo socda.

Bishii hore Traore ayaa lagu soo daray Xulka 1-aad ee Qaranka Spain laakiin waxa laga saaray Liiska kadib markii uu dhaawac soo gaadhay.

Xiddiga 24 jirka ah oo ku dhashay gobolka Catalonia ee dalka Spain ayuu haatan hor yaalaa go’aan muhiim ah oo ay tahay in uu sameeyo.

Waalidka dhalay Traore ayaa ka soo jeeda dalka Mali waxana uu ka soo baxay Akademiyada kooxda Barcelona.

Hadii uu doorto in uu matalo dalka uu ku dhashay waxa uu ka qayb qaadan doonaa kulamada UEFA National League ee uu xulka Spain la ciyaari doono Traore Portugal, Switzerland & Ukraine.

Dhanka kale hadii uu doorto in uu matalo dalka uu jinsi ahaan ka soo jeedo waxa uu ka qayb qaadan doonaa kulamada uu xulka mali la ciyaari doono xulalka Ghana iyo Iran.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN